Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Addis Ababa

36,526

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi iyo hogaaminayo ayaa waxaa ay gaareen Magalada Addis-Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa Garoonka diyaaradaha Bole ee Magalada Addis-Ababa waxaa ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Magalada Addis-Ababa uga qeybgalaya kulanka Shir Madaxeedka wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD oo ka furmaya magaalada Addis Ababa.

Kulankaan ayaa laga hadlayaa arimo ay ka mid yihiin halka lagu qaban doono shirka Xigga ee Urur Goboleedka IGAD,cidda Shir gudoominaysa.

Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa ku sugan madaxda dalalka Koofurta Sudan, Kenya iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudaan iyo madax kale.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More