Madaxweyne Deni oo 49-cishe kadib dib ugu laabanayo Garoowe!

Hogaamiyaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta dib ugu laabanayo Magaalada Garoowe xarunta Gobolka Nugaal oo uu ka safray 1-dii September oo haatan laga joogo 49-Cishe.

Magaalada Muqdisho ayuu ku sugnaa intii u dhaxeysay 1-dii September ilaa 2-dii Oktoobar, waxa uu qayb ka ahaa hogaamiyayaasha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee kawada xaajootay doorashada 20/21.

Madaxtooyada DG Puntland ayaa safarka 16-cishe ah ee uu Deni ku joogay Magaalada Nairobi ku sifeysay arrimo u gaar ah, balse kulamo siyaasadeedyo kala duwan ayuu ka qaybgalay mudada uu halkaas joogo.

Magaalada Garoowe ayaa ammaankeeda aad loo adkeeyay, waddooyinka waxaa lagu arkayaa ciidamo dhigtay Gawaarida Dagaalka ee Madaxtooyada ka diiwaangashan, halka garoonka diyaaradaha gudahiisa ay ku sugan yihiin xubno uu u magacaabay soo dhaweyntiisa.

Madaxweyne Siciid ayaa lagu wadaa in uu dadka kula hadlo Barxadda weyn ee Magaalada Garoowe oo lagu sii dhajiyay Calanka, Sawirradiisa iyo waxyaabo kale oo muujinaya soo dhaweyntiisa.

Marka uu tago Garoowe waxaa laga sugayaa magacaabista xubnaha labada ah ee guddiga farsamada doorashada iyo xalinta khilaafaadka oo qayb ka ah heshiisyadii laga gaaray doorashada 20/21.

Deni oo Bil kadib ka safray Muqdisho, muxuu yahay ujeedka socdaalkiisa Nairobi?

Deni iyo Madoobe oo kulan gaar ah la qaatay wakiiladda beesha Caalamka.

Axadle