Madaxweynaha Somali-land oo Hargeysa kula kulmay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

24,150

Madaxweynaha Somaliland. Muuse Biixi Cabdi. Ayaa maanta Hargaysa kula kulmay wafdi uu hoggaaminayo. Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Ben Fender.

Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay weftiga Ingiriiska. Ayaa diiradda lagu saaray arrimo. La xiriira xoojinta Wada hadalada Dowlada Faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Somali-land, ammaanka, doorashooyinka, mashaariicda horumarineed.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu dawladda Ingiriiska uga mahadnaqay taageerada ay siiso Somaliland, waxana uu u sheegay in ay Somaliland ka go’an tahay adkaynta xiriirka beesha caalamka, sidoo kalena diyaar u yihiin wada hadalo ay la galaan Dowlada Soomaaliya.

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Amb. Ben Fender ayaa ku bogaadiyay Somaliland horumarka laga sameeyey qabsoomidda doorashooyinka iyo sida ay shacab iyo Maamulku ay diyaarka ugu yihiin geeddi-socodka hormarinta bulshada.

Dhawaan ayay aheed markii Madaxweynaha Somaliland uu sheegay in ay diyaar u yihiin Wada hadalo ay la galaan Dowlada Faderaalka Soomaaliya,walow ay jireen Shuruudo uu ku xiray wada hadalo dhex mara Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More