#Madaxweynaha Puntland oo si kulul uga hadlay dhaqdhaqaaqa Somali-land kawado Gobolka Sanaag

9

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Soomaaliland ciidamo farabadan oo Millateri ah ay geysay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag, iyada oo Gobolkaas qeybo ka mid ah ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland.

Ciidamadaas ay Soomaaliland geysay deegaanka Yubbe ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa digniin  ka soo saaray Maamulka Puntland,waxana Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu sheegay in Soomaaliland ay markale wado duulaan ay ku soo qaadeyso deegaanada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo khudbad ka jeedinayay shirka Jihaynta siyaasadda Xukuumadda Puntland ee maanta ka frumay magaalada Garoowe ayaa soo hadalqaaday dhaq dhaqaaqa ciidan ee maamulka la magacbaxay Somaliland uu kawado deegaano ka tirsan gobolka Sanaag.

Madaxweyne Deni oo dhaqdhaqaaqaasi ka hadlayay ayaa waxa uu sheegay in dowlada Puntland ay si dhow ula socoto daandaansiga iyo duulaanka qaawan ee uu wado maamulka Somaliland ,waxa uuna cadeeyay mawqifka shacabka iyo dawladda Puntland kaga aadan dhaq-dhaqaaqaasi.

Waxa uu sheegay in ay nasiibdaro tahay in maalinba maalinta ka dambeysa daandaansi ay wado Soomaaliland,waxana uu uga digay Soomaaliland inay joojiyaan dhaq dhaqaaqyada ciidan ay wadaan, isaga oo ugu hanjbay in Puntland ay ka jawaabi doonto.

“Maalmihii u dambeysay waxaa socday dhaq dhaqaaq iyo gardaro duulaan horleh oo maamulka Hargaysa uu isku dayayo in uu dhulka Puntland kusoo weeraro, runtii dulqaad badan ayay dadka reer Puntland muujiyeen marar badan oo hore iyadoo ay ixtiraamayaan deris wanaagga iyo wada nolaanshaha geyiga ,waxaase nasiib darro in ay sii kordhaan dhaqdhaqaaqyada, waxaan runtii halkan uga jeedinayaa shacabka Puntland in ay sharaftooda iyo karaamadooda dhowraan ,deegaanada iyo dadkoodana Difaacaan ciddii isku dayda xadgub ay kala kulmi doonto waxa ay kasoo raadsatay Puntland” ayuu yiri Madaxweynaha Puntalnd Saciid C/llaahi Deni.

Madaxweyne Deni ayaa hadalkiisa kusoo beegay xili saacado ka hor ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland ay la wareegeen deegaanka Yube oo ka tirsan gobolka Sanaag iyadoo sidoo kale ay jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo deegaanadaasi ka soconaya maanta.

Ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Soomaaliland ayaa horay waxa ay ugu wada dagaalameen deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool,xilligaas uu Puntland maamulayay Cabduweli Maxamed Cali Gaas, hayeeshee Madaxda Cusub ee puntland ay wajahayaan xiisad kale oo kaga imaaneysa dhinaca Soomaaliland.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More