Madaxweynaha oo ubax dhigay taalada Daljirka dahsoon-Sawirro

1

- Advertisement -

Mogadishu-(AxadleTM)Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaliya mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta ubax xusuus ah dhigay taalaada Dal-jirka dahsoon ee magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Ubaxaan ayaa waxaa lagu xasuusanayaa dadkii Soomaaliyeed ee u soo halgamay xoriyadda wadankan, kuwaas oo taariikh aan la iloobi karin ku leh quluubta dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu horeyn salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka, waxaa uu markii dambe ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Daljirka Dahsoon, ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne ka kala socday degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasoo xirnaa dharka Calanka, sidoo kale cutubyo ka tirsan ciidanka booliska iyo kooxda muusikada baambeyda ayaa iyana ka mid ahaa.

Waa markii labaad ee uu Madaxweynuhu ubax dhigo taaladan, 26-kii June ayay aheyd markii uu halkaas ubax dhigay, xilligaasoo ku beegneyd, markii uu horeysay ee Calan Soomaaliyeed la taago, iyo xoriyadii Gobolada Waqooyi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad kooban uu ka jeediyay munaasabada waxaa uu hambalyo ugu diray shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in maanta ay tahay maalin taariikh weyn ku leh Soomaaliya, waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in midnimadii dib loo soo celiyo.

Madaxweynaha oo la hadlaya dhalinyarada ayaa ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan horumarka  dalka oo ay la mid noqdaan dadkii  ka soo shaqeeyay xoriyadda maanta lagu naaloonayo.

Axadle Times
Axadle International Monitoring – Africa
info@axadletimes.com

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More