#Madaxweynaha Jabuuti oo maanta kusoo wajahan Muqdisho

5

Madaxweynaha dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kusoo jeeda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Wafdi Ballaaran oo ay qeyb ka yihiin Xildhibaano, Wasiiro iyo waxgarad ayaa ka mid ah Wafdiga uu hoggaaminaayo Madaxweyne Geelle ee kusoo jeedda Muqdisho.

Waxaa Muqdisho maanta uga bilaaban doonta Booqasho rasmi ah , islamarkaana hadda waxaa socda soo dhaweynta iyo diyaargarowga loogu jiro Wafdiga uu hoggaaminaayo Madaxweyne Geelle.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaa meelaha qaar lagu sharaxay Sawirka Madaxweynaha jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Jabtuuti ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato Madaxda dowladda Soomaaliya waxa uuna kala hadli doonaa xaaladda Soomaaliya, howlgalka AMISOM iyo isbadalada ka socda geeska Africa, sida ay  ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay noo sheegayaan.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu wadaa in uu booqdo Ciidamada Jabuuti ka jooga Soomaaliya ee ku sugan Gobalka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya hadii aysan wax iska badalin qorshaha socdaalkiisa.

Madaxweyne Geelle, Soomaaliya waxaa ugu dambeysay bishii February sanadkii 2017, markaas uu ka qayb galay Caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Socdaalkaan ayaa noqonaya 2 sano kadib safarkiisii ugu horreeyey ee Soomaaliya.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More