#Madaxweynaha Itoobiya oo Safiirka cusub ee Soomaaliya ka gudoontay Warqadaha Aqoonsiga

2

- Advertisement -

Safiirka Soomaaliya u fadhin doona dalka Ethiopia Mudane Cali Shariif Axmed ayaa maantay oo Taariikhdu tahay 27 December 2018 u gudbiyey Warqada magacaabista (Accreditation Letter) Madaxweynaha Ethiopia Marwo Sahle-Work Zewde.

- Advertisement -

Danjire Cali Shariif Axmed Safiirka ayaa Madaxweynaha Dawladda Ethiopia u gudbiyey salaan uu uga waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abdullahu Farmaajo.

Sidoo kale Safiirka ayaa uga tacsiyeeyey Madaxweynaha Ethiopia geeridii ku timid madaxweynihii hore oo Ethiopia Mudane: Girma Wolde-Giorgis oo dhawaan ku geeriyooday Dalka Ethiopia.

Danjire Cali Shariif Axmed ayaa xusay ahmiyada ay leedahay xoojinta xiriirka  labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaana  sidoo kale Safiirka uu bogaadiyey isbadalka ka dhacay Geeska Africa iyo ahmiyada ay u leedahay labada bulsho ee Soomaaliya iyo Ethiopia in la abuuro isdhexgal dhaqaale.

Safiirka ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Dawladda Ethiopia ku biirinta ciidamo ka socda Ethiopia ciidamada AMISOM ee ka howl-gala Soomaaliya.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More