#Madaxweynaha cusub ee Puntland oo ka hadlay doorka Haweenka ay ku yeelan doonan Xukuumada uu soo magacaabi doono

4

Madaxweynaha Cusub ee Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo aan weli la Caleemo saarin ayaa ka hadlayay qorshihiisa ku aadan Nooc Xukuumad iyo Wasiiro uu sooo magacaabi doono.

Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland  ayaa soo hadal qaaday doorka xukuumada uu soo dhisi doono ay ku yeelan doonaan Haweenka.

Waxa uu sheegay in qorshihiisa uu yahay in uu soo Magacaabo Golo Wasiiro tayo leh,isla markaana Haweenka ay qoondo wanaagsan ku lahaan doonaan maadaama hal Haween ah ay ku jirto Baarlamaanka Puntland.

Waxa uu sheegay in door fiican ay ka ku yeelan doonaan golahiisa wasiirada oo uu dhawaan soo magacaabi doono, waxa uuna ku nuux nuuxsaday in rabitaanka Shacabka Puntland uu ku saleen doono xubnaha wasiirada ee uuu soo magacaabi doono.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in uu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo ay ku jiraan aqoonyahano, dhalinyaro, gabdhuna ay door macquul ah oo muuqda ka qaadan doonaan.

Doorka Haweenka ay ku leeyihiin siyaasada Puntland ayaa ah mid aad u liita madama xitaa Baarlamaanka cusub ee maamulkaasi ay ku jirto kaliya hal Haween, waana sababta dhalisay in la is weydiiyo qoondada ay Haweenku ku yeelan doonaan xukuumada uu dhisi doono Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu waday wadatashi iyo kulamo uu la yeelanayay Bulshada qeybaheeda kala duwan si uu u soo Magacaabo Golo Wasiiro ah.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More