“Madaxda DFS & DG waxa ay heshiis gaareen iyada oo aan lagu dhex jirin” Qoor-Qoor.

Hogaamiye DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo faah-faahiyay shirarkii Dhuusamareeb 1,2 iyo 3 ee uu martigeliyay, isla markaana lagu go’aamiyay Doorashada Dalka iyo isu soo dhaweynta madaxda Heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Qoor-Qoor ayaa sheegay in dadaal badan oo aysan u kala harin labada dhinac lagu gaaray xalka siyaasadeed ee dalka, natiijooyinka kulamadii Dhuusamareeb iyo shirarkii daba-socdayna guulaha wada leeyihiin dhammaan dhinacyadaan.

“Waxay ahayd Waqti muhiim u ah qaranka oo lasoo gaaray laguna soo dhawaaday doorashadii, taas oo ah in afartii sanaba mar ay dhacdo doorasho, howsha waxaa la dhameeyay iyada oo aan cidi ku dhex jirin oo ay isu madax bannaan yihiin Madaxda Dowladda & DG” ayuu yiri Madaxweyne Qoor-Qoor.

Hogaamiye Galmudug ayaa sheegay in dhinacyada wadatashiga galay in ay isku qanciyeen danta guud oo aysan jirin mid gaar ah, is jiid-jiidka siyaasadeed iyo doodihii adkaana xal lagu gaarayay.

“Waxa aan isu qancinay si danta guud loo gaaro oo walaaltinimo leh, mararka qaar waxa aan kala aragti duwanaanay Madaxweynayaasha DG Puntland iyo Jubbaland oo ugu dambeyn dhankooda wax ka sameeyay tanaasulka” Sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Axmed Qoor-Qoor.

Axmed Cabdi Kaariye ayaa sheegay in Shacabka & Maamulka Galmudug taariikhda meel wanaagsan ay ka galeen, maadaama gogosha ay dhigeen wadahadalkii lagu yeeshay lagu gaaray natiijo mideysan oo lagu aadayo doorashada dalka 20/21.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More