Madaxda DFS & DG oo wadajir u hortagay labada Gole ee BFS.

Ilo xog ogaal ah ayaa Axadle u xaqiijiyay in Madaxda DFS iyo Dowlad Goboleedyada si wadajir ah ay u hortagaan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya fadhigooda berri oo lagu horgeynayo Heshiiska Doorashada dalka.

Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynayaasha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiwaare, waxaana wehlinaya Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Mas’uuliyiin kala duwan oo katirsan Dowlad Goboleedyada ayaa Axadle u sheegay in hadal jeedin la siinayo Madax Goboleedyada kahor inta aan khudbadda codsiga la siin Madaxweyne Farmaajo si ay wadajir ugu dalbadaan codsiinta heshiiskaan.

Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa maalmihii lasoo dhaafay Caasimadda ku qaabilay Xildhibaannada iyo Senatarada labada Gole, Waa Shacabka iyo Aqalka sare BFS si ay uga xaqiijiyaan labo hadaf oo kala ah codsiinta Ra’iisul wasaaraha oo Arbacadii aqbaliyad ugu codeeyaan Xildhibaanno gaaraya 215-Mudane, iyo taageerista Heshiiska 15-ka qodob ee 17-kii Bishaan Madaxtooyada lagu saxiixay.

Ilo xog ogaal ah ayaa Axadle u Xaqiijiyay in Guddoonka labada Gole ee BFS la gaarsiiyay Warqadda codsiga ee hortagitaanka Madaxda Dowlad Goboleedyada si loo siiyo hadal jeedinta codsiga ah.

Fadhiga labada Gole oo aan wanaagsaneen xiriirkooda ayaa muddo dheer kadib la arkayaa Aqallada Shacabka & Sare oo hal kulan cod ku bixinaya, maadaama labo xarun oo kala duwan ku kala shaqeeyaan.

3 qodob oo ku jirtay heshiiskii Dhuusamareeb 3 oo lagu beddelay 3 kale oo ku jirta heshiiska cusub!

“Doorasho qof & Cod ah waxa aan uga tanaasulay si aan Dalka u kala tagin” Madaxweyne Farmaajo.

Beesha Caalamka oo Qabyo ku tilmaamtay heshiiska DFS & DG.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More