Madasha Xisbiyada Qaran Oo $200 kun Ugu Deeqay Fatahaadaha

336,907

MUQDISHO, Soomaaliya – Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa ku dhawaaqay in ay gurmadka fatahaadaha ugu tabaruceen $200 oo kun oo Doollar-ka Mareykanka ah.

- Advertisement -

Mas’uuliyiinta xisbiyadda ayaa tilmaamay in deeqdaan ay ugu talogaleen dadka ay daadadku saameeyeen ee ku nool goboladda qaar ee wadanka.

Meelaha aadka ay u saameeyeen fatahaadaha Webiyadda ayaa kala ah; Beledwayne, Bardaale iyo qaybo kamid ah Jubbooyinka.

Sidda laga soo xigtay dhowr illo wareedyo, xubnaha Madasha Xisbiyadda ayaa isku qeybinaya laba koox oo deeqda gaarsiin doona dhibaneyaasha.

Fatahaadaha ayaa yimid markii ay qararka jabsadeen Webiyadda Shabeelle iyo Jubba ee ka yimaadda waddanka Itoobiya.

Dowladda Federaalka ayaa shaacisay in ku dhowaad 60-kun oo ruux ay ku barakaceen daadka oo khasaaro naf iyo maal sababay.

Tobanaan ay ku jiraan mas’uuliyiin una badan rayid ayaa ku nafwaayey daadadka Beledwayne oo wali uu si teel-teel ah uga da’ayo roobabka.

Xukuumadda ayaa qalyo dhaan u dirtay Beesha Caalamka si ay maalgelin ugu sameeyaan xalka waara ee fatahaadaha soo laab-laabtey.

Madaxweyne Farmaajo oo tegay Beledwayne ayaa ka dhawaajiyey in ay Itoobiya la galayaan wada hadal ku saabsan sidii looga baaqsan lahaa fatahaadyo kale.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More