#Maamulka Gooni goosadka ah Oo Qof rayid ah ku dilay Laasacaanood

2,349

Ciidamada amaanka Maamulka Somali-land ayaa la sheegayaa in ay xalay qof shacab ah ku dileen Magaalada Laasacaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Dilkan ayaa dhacay xalay fiidkii xilli la sheegay in Ciidamada Maamulka Somaliland ay wadeen howlgal ka dhan ah hubka sharci darrada ah ee lagu dhex heysto Magaalada .

Qofka ay dileen Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa magaciisa lagu sheegay C/Raxmaan Cumar Faarax,waxaana uu ka mid ahaa dadka degaanka.

Ciidamada amaanka Somaliland ee dilka ka geystay Laasacaanood ma aysan caddeyn sababta ay u dileen qofkaasi ka midka ahaa dadka Magaalada.

Dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay Ciidamada Somaliland ee jooga Laasacaanood ayaa la kulmayay weerarro uga imanayay labo Jabhadood oo ka dagaallama gobolkaas.

Waxaa y jabhadahaasi weerareen Saldhigyada Ciidamada Somaliland ee Sool iyo xarunta Booliska ee Magaalada Laasacaanood halkaas oo uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Somaliland ayaa waxaa ay Gobollada Sool iyo Sanaag kula muransantahay Maamulka Puntland waxaana ay halkaas ku dagaallamayeen dhowr iyo tobankii sano ee ugu dambeeyay.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More