Maamulka gobolka Banaadir oo ka laabtay fasax maanta la siiy…

Muqdisho (Axadle) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa dib uga noqday fasax maanta la siiyey shaqaalaha ka howl-gala xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar, kaas oo ku aadanaa munaasabadda Ciidul Adxaa oo maalinta beri ah ku beegan.

Qoraal wargelin ah oo kasoo baxay xafiiska waaxda shaqada iyo shaqaalaha ayaa lagu sheegay in la-laalay fasaxii la siiyey shaqaalaha, kadib amar ka yimid duqa Muqdisho.

Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay inay keentay ka noqoshada fasaxan baahi shaqo oo ka jirta xarunta gobolka Banaadir, loona baahan yahay in loo adeego bulshada.

“Iyadoo la fulinayo go’aanka duqa magaalada ahna guddoomiyaha gobolka baahi shaqo awgeed waxa laga noqday fasaxi shaqaalaha maanta kaliya, sidaas darteed madaxda shaqaalaha xukunta waxa laydinku wargelinayaa in aad si degdeg ugu yeertaan shaqaalaha goobaha shaqadana saacad gudeheed la bilaabo shaqooyinkii,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa amarkan lagu sheegay in safaxa shaqaalaha ee Ciidul Adxaa uu bilaabanayo maalinta Talaadada oo berri ah, illaa Khamiista.

“Fasaxa berri ayuu ka bilaabanayaa, waana illaa Khamiis insha Allaah,” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay inay fasax yihiin shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ah, munaasabadda Ciida aawgeed.

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in shaqaalaha Soomaaliyeed ay fasax yihiin seddex maalmood oo ka bilaabaneysa maalinta Talaadada oo noqoneyso maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa, illaa Khamiista soo socota.

Sidoo kale wasaaradda ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeysay munaasabadda Ciidul Adxaa.

Halkan hoose ka aqriso:

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More