#Maamulka Gobolka Banaadir oo Amar kusoo rogay Hay’addaha Samafalka

0

- Advertisement -

Maamulka gobolka Banaadir ayaa ugu faray hay’adaha samafalka ee ka howlgala gobolka Banaadir inay la soo xiriiraan maamulka gobolka si loo ogaado howlaha ay qabanayaan.

- Advertisement -

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay tilaabo ka qaadi doonaan Hay’addaha Samafalka ee sida Sharci darada ah ugu shaqeysta Muqdisho.

Gudoomiye Yariisow Waxaa uu tilmaamay in Muqdisho ay jooggaan Hay’addo badan oo shaqooyin kala duwan qabta,kuwaasoo aysan la socon maamulka gobolka Banaadir.

Waxaa uu xusay in ay muhiim tahay in ay isasoo diwaangaliyaan,islamarkaana lala socdo shaqooyinka ay qabtaan.

Maamulka gobolka Banaadir ayuu sheegay in ay la shaqeyn doonaan Hay’addaha diwaangashan ee Muqdisho ka howlgalla.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More