Maalinta Dhimirka Adduunka oo maanta la maamuusayo! –

10-ka Oktoobar waa mid kamid ah maalmaha loo goonida yeelay munaasabadaha sanad waliba la maamuuso oo ay diiwaangelisay Qaramada midoobay si lamid ah maalmaha badan ee ku jira Bilaha sanadka!

Bilawga maalintaan waa sanadkii 1992-dii, waxaana saxiixay oo u codeeyay 150 waddan oo caalamka ah si loo maamuso sanad waliba marka la gaaro 10-ka Oktoobar “Maalinta Caafimaadka Dhimirka Adduunka!”.

Inta lagu guda jiro Munaasabadda Waxaa lasoo bandhigaa dhibaatooyinka dhanka dhimirka (Maskaxda), iyada oo ay taageero u baahan yihiin boqolaal ruux ay ka sheeganayaan xannuunada ku dhaca dhanka Maskaxda aadanaha, Sababo duruufo isbiirsaday awgood.

Halka ku dhigga sanadkaan 2020 waa (Dhaqaaqa Caafimaadka Maskaxda, Kordhinta maalgashiga caafimaadka maskaxda), waxaana lagu soo jiidanayaa dhaqaatiirka & dadka dhaqaalaha leh.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO) ayaa sheegtay in dhaqaale badan ay ku bixineyso wax ka qabashada dhibaatooyinka dhanka Dhimirka ah si loo helo xirfado furfuri kara maskaxda qofka.

Qubarada Caafimaadka ee ka hadashay maalintaan ayaa soo jeediyay in wax laga qabto xannuunka Dhimirka oo aad u kordha xiliyada ay jiraan dhibaatooyinka Dabiiciga ah & Kuwa aadanaha uu sababta u yahay.

Sanadkaan 2020 ayay qiyaaseen in ay kordhi karaan tirada dadka maskaxda ka xannuunsanaya, maadaama fayruska Covid-19 uu sababay shaqo la’aan dadka soo foodsaartay, ka walwalka cudurka, Qorshooyinka kala duwan ee degsanaa oo aan u hirgelin & kuwo kale.

Hay’adda WHO ayaa sanadkaan baajisay tartamo isugu jiro socod (Rucleyn), Orad & kubadda cagta oo lagu maamusayo maalintaan, si dadka loo siiyo fursad ay ku muujiyaan dhiiragelinta bukaannada dhimirka.

Waddamada ugu badan ee xannuunka laga sheegay waa kuwa dhibaatooyinka dagaalka sokeeyo ka jiro, dhaqaale xumada iyo duruufaha kale ee sababi kara in uu qofka ka shaqeysiiso maskaxdiisa ka ka badan xiliyada caadiga ah.

Hay’adda MSF ayaa Warbixin shalay ay soosaartay ku sheegtay in Xerada Dhadhaab oo ay ku sugan yihiin Qaxooti Soomaali ah laga diiwaangeliyay dad uu haleeyay xannuunka maskaxda.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More