#XFS:Ma aqoonsanin natiijo kasta oo kasoo baxda doorashada Jubbaland

14,896

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ku dhawaaqday in aysan aqoonsaneyn natiijo kasta oo kasoo baxda doorashada Jubbaland.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaal Iyo Dib u heshiisiinta waxa ay warsaxaafadeed ka soo saartay Arrimaha Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Jubaland.

warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in habraaca lagu soo xulay Xildhibaanadda Jubbaland oo aan loo marin habraaca ay dajisay Wasaaradda arimaha Gudaha Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in doorasho kasta oo ku dhacda oo sifo baalmarsan dastuurka Federaalka ay yihiin Waxba kama jiraan.

Qoraalkaan ayaa imaanaya iyadda oo maanta Xildhibaanadda Jubbaland ay doorteen Gudoomiye iyo labadiisa ku xigeenka.

Hoos ka aqriso warka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More