#Liberia:Dumar lagu eedeeyay afduub Caruur iyo ‘sixirnimo’ Oo Suuqa Lagu Qaawiyay

6

Dalka Liberia waxa sii kordhaysa cadhada ka dhalatay video lagu baahiyay baraha bulshada oo muujinayay laba haween ah oo qaa-qaawan oo suuqa lagu baacsanayo, iyaga oo markaas koox dhalinyaro ah oo haweenkan bahdilayay ay ku qasbayeen inay qirtaan in ay sixiroolayaal.

Video-gan xambaarsanaa muuqaalkan naxdinta leh ee haweenkan lagu tacadiyay ayaa waxa laga soo duubay gobolka koonfurta-galbeed ee Sinoe, waxana y garsoorihii hore ee Maxkamadda Sare ee dalkaasi Gloria Scott ay bilawday olole ay diirada ku saarayso xildhibaanada baarlamaanka ee ka soo jeeda degaanka haweenkan lagu Sharaf dilay, si loo xaqiijiyo in dembiilayaasha la hor keeno caddaalad.

Tacadiyada ka dhanka ah haweenku waa kuwo aalaaba dhaca oo caan ku ah Liberia, balse tan ka soo horjeedkeeda, waxa naadir ah in dambiilayssha la hor keeno cadaalada laguna ciqaabo.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More