Lafta gareen oo Xildhibaannada & Senatarada kasoo jeeda KGS

Magaalada Muqdisho waxaa xalay lagu qabtay munaasabad oo soo agaasimay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana ka qaybgalay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, Xildhibaannada & Senatarada kasoo jeeda DG KGS.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa madasha ka sheegay in la doonayo ka gudubka dhibaatooyinka siyaasadeed ee lasoo maray, maadaama shaqsiyaad usoo dhinteen gaarista hamiga siyaasadeed ee deegaannada maamulkaas.

Lafta gareen ayaa sheegay in dadka qaar looga xaq lahaa kuraasta Baarlamaan ay haatan ku fadhiyaan, balse ma uusan tilmaamin kuraastaas, inkasta oo sheegay in Xildhibaan waliba laga doonayo xushmeynta ehelka dadkii u dhintay arrimaha siyaasadeed.

“Kuraastaan qaarkood dadka u fadhiga waa looga xaq leeyahay, dad baa u dhintay, waa in la qadariyo laguna xushmeeyo ehelkooda, xitaa waxa aan heynaa in kuraasta qaarkood in xaq weyn ku leeyihiin dad nool, nin waliba waa in lagu ixtiraamo waxa uu ahaa” ayuu yiri Madaxweyne Lafta Gareen.

Dhanka kale madaxweynaha DG KGS ayaa soo jeediyay in cafis siyaasadeed la sameeyo, maadaama tabashooyin ka dhex jirto shaqsiyaadka ku lugta leh Siyaasadda, wax walibana laga dhigo xalay dhalay.

Muddada afarta sano ee la isku hor fadhiyo danaha siyaasadeed ee xilalka lagu raadinayo ayuu dalbaday in la iska cafiyo, loona jiheysto qorshaha qof waliba uu dib ugu raadinayo kursiga uu ku fadhiyo si uu u xaqiijiyo 4-sano oo kale.

“Is cafiskaan waa mid adduunyada iyo aaqiradeena u fiican, marka hore idinka wada shaqeynayay iyo guddoonkiina in aad is cafisaan, ninba si ayuu wax u arkayay, waa la kala qaybsanaa iyada oo xilal lakala raadinayo, waa in aan wada galnaa hal qaanad oo ah digil iyo mirifle oo ku adag dadka kale in ay galaan hal qaanad oo ay ku mideysan yihiin” Sidaasi waxaa yiri Hogaamiyaha DG KGS.

Hogaamiyaha DG KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa ku bogaadiyay Xildhibaannada deegaannada maamulkiisa codsiinta Ra’iisul Wasaare Rooble & Heshisika Siyaasadeed ee Madaxweyne Farmaajo iyo madax goboleedyada ka gaareen doorashada 20/21.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More