#Lafta Gareen oo shacabka ka dalbaday la shaqeynta Hay’adaha amaanka

42,310

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa shacabka deegaanada maamulkaas ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka.

Madaxweyne Lafta gareen ayaa ka qaybgalay munaasabad lagu maamuusayay Maalinta Caruurta Afrika oo lagu qabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Koofur Galbeed.

Waxa uu sheegay in wada shaqeynta Ciidamada ammaanka iyo dadka shacabka ay isku xiran tahay, sidaas awgeed labada dhinac oo xogaha is dhaafsado ay muhiim u tahay dib usoo celinta xasiloonada deegaanada Koofur Galbeed.

Wasiirada iyo hay’adaha maamulka Koofur Galbeed waxa uu faray in ay dhexgalaan dadka, si ay u abuuraan kalsoonida wada shaqeynta.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen ayaa sheegay in dadka koofur galbeed qaar kamid ah ay ka barakaceen deegaanadooda, kaliya ay u baahan yihiin dib u dajin loo sameeyo.

Dhanka kale waxa uu sheegay in madaxda deegaano uu tilmaamay in lagu dhibaateeyo dadka Koofur Galbeed uu kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More