#Lafta Gareen oo magacaabay Guddi baara dilalkii dhawaan ka dhacay Baydhaba

12,222

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa maanta magacaabay Guddi baaris ku sameeyay dilalkii todobaadkii hore ka dhacay Magaalada Baydhaba.

Guddigan oo ka kooban 9 xubnood ayaa waxaa ku jira wasiirro ka mid ah Maamulka Koofur Galbeed, Taliyaha Booliska, Guddoomiyayaasha Gobolka Baay iyo Magaalada Baydhaba iyo saraakiil ciidan.

Dilalkii dhawaan ka dhacay Baydhaba ayaa waxaa uu ka billowday markii koox hubeysan ay degaanka Maanya fuulka ku dileen saddex qof oo uu ka mid ahaa Cali Aadan Marguus oo ka mid ahaa Ganacsatada Magalaada Baydhaba.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More