“Lacagta cusub ee Itoobiya waa Caqabad kusoo korortay Soomaalida” Hirmooge.

Cabdulqaadir Cadaani Hirmooge Afhayeenka Ururka ONLF ayaa sheegay in dhibaato dhaqaale ay soo wajahday Ganacsatada Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), kadib markii Dowladda Federaalka Itoobiya ay dalabtay sameynta lacag cusub.

Waxyaabaha isku xiray lacagtaas cusub iyo dhibaatadaan waxa uu ku sifeeyay in badi hantida dadka Soomaalida Itoobiya ay uga maqan tahay Soomaaliya, Jabuuti iyo Kenya oo ganacsi wadaag yihiin.

Amar kasoo baxay Dowladda Itoobiya ayuu sheegay in lagu joojiyay lacagaha ka gudba xadka, maadaama dowladdu ay xareyneyso lacagtii hore si loo bixiyo tan cusub oo la qorsheeyay in la suuq-geliyo.

“Ganacsatada Soomaalida kuma xirna Bangiyada Itoobiya, sababtu waa in aysan heysan warqadaha sameynta akoonnada iyo afka oo aysan aad ugu wanaagsaneen, si ay dhaqaale u sameeyaan waxa ay ku ganacsi xirmeen Soomaalida kale ee Dariska oo u kala gudba Jabuuti, Soomaaliya & Kenya” ayuu yiri Hirmooge.

Waxa uu sheegay Afhayeenka ONLF in dadka Soomaalida aysan qayb ka ahayn Qowmiyadaha laga talo geliyay sameynta lacagta cusub iyo qorshaha lagu xareynayo, maadaama dhaqaale oo ka dhashay wax is dhaafsi ganacsi gacantooda ka maqan tahay.

“Habka lagu xareynayo lacagaha hore ee lagu bixinayo tan cusub Soomaalidu kuma lahan Galaangal muuqda, dadka miyiga kunool badi kama war hayaan waxa ka dhacaya dhanka Magaalada, taasi waa caqabad kale oo dhibaato nololeed u horseedi karta” ayuu sii raaciyay Afhayeenka Ururka ONLF.

Hoggaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida ayuu ka dalbaday in uu ka garwadeeyo Dadkaan oo uu baahan in Dowladda Dhexe loo gudbiyo dhibaatada heysata iyo sida ay ula jaanqaadi karaan Qowmiyadaha kale ee Itoobiya.

ONLF oo sheegtay inaysan ka tanaasuleyn ka go’ida dalka Itoobiya.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More