#Labo Maamul oo ka horyimid sharciyada Batroolka iyo Canshuuraha

0 2,376

Kulan ay maanta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ku yeesheen Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo puntland ayaa war saxaafadeed laga soo saaray.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha ee Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa kulankooda ugu dooday arimaha siyaasada, arimaha, Doorashooyinka, iyo sharciyada Batroolka iyo Canshuuraha dalka.

“Dowladdaha Galmudug iyo Puntland waxay umada Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka ku wargalinayaan inay san qayb ka aheyn waafaqsanaynna sharciyada Doorashooyinka, Batroolka iyo xeerka canshuuraha ee ay Dowlada Faderaalka gacanta ku heyso,aysa qayb ka noqo doonin wixii go’aano masiiri ah ee aan lagu gaarin wadatashi iyo wada ogol Dowlada faderaalka ah iyo dowladaha Xubnaha ka ah” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Galmudug iyo Puntland.

Sidoo waxa ay ku heshiiyeen iskaashi ay ka yeeshaan Amniga iyo siyaasada sida lagu sheegay qoraalka ay wadda jirka u soo saareen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More