Laba askari oo loo qabtay dilkii Dhagajuun ayaa la siidaayay – Axadle

Muqdisho (Axadle) – Iyadoo wali ay socoto dhageysiga dacwada gudoomiyaha degmada Hodan, maxkamada ciidamada ayaa siideysay labo kamid ah askarta loo heysto dilka marxuum C / raxmaan Dhagajuun.

Labada askari ee la siidaayay ayaa lagu kala magacaabaa C / raxmaan Isaaq C / laahi iyo Xasan Abuukar Maxamuud (Buuqsane) oo ka mid ahaa toddobada askari ee falkaasi loo xiray.

Sii deynta raggan ayaa timid kadib markii dacwad oogaha maxkamada ciidamada qalabka sida uu shaaciyay inuu laalay dacwadii loo haystay labada askari ee qeybta ka ahaa ilaalada taliyaha booliska degmada Waaberi Maxamed Cabdulqaadir (dhaqdhaqaaqa).

Maxkamadda ayaa sidoo kale xukuntay in labada askari aysan ka mid ahayn kooxdii rasaasta riday ee dishay marxuumka.

Maxkamadda ayaa sidoo kale dhageysatay warbixinta guddi gaar ah oo loo saaray dilkii Marxuum C / xakiin C / raxmaan Ciise (Dhagajuun).

Marxuumka ayaa xalay saqdii dhexe lagu dilay isgoyska Howl-wadaag ee Caasimadda Muqdisho habeenkii 21-kii Janaayo ee sanadkan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More