#Kuuriyada Woqooyi ayaa ciidan u direysa Badda ku dhareersan Gacanka Hormuz

44,795

Dowladda Waqooyiga Kuuriya ayaa ku dhawaaqday in ay Markab Ciidan iyo diyaarado dagaal wada u soo direyso biyaha Soomaaliya.

Waxaa ay dowladda Kuuriya sheegtay in ciidankaas ay qeyb ka noqonayaan la dagaallanka burcad badeedda biyaha Soomaaliya ka jirta.

Waxaa kale oo jira warar sheegaya in Markabkaasi uu qeyb ka yahay ciidamada Gacanka Hurmuz ee uu isku dubbaridayo Mareykanka si ay uga hortagaan dowladda Iraan.

Markabka ayaa waxaa uu xalay ka soo baxay Magaalada Busan ee Waqoojiga Dalka Kuuriya waxaana lagu wadaa in uu biyaha Soomaaliya soo gaaro talaadada maanta ah sida ay sheegtay dowladda Koofurta Kuuriya.

Markabka oo lagu magacaabo Kang Gam Chan, waxaa uu culeyskiisu dhanyahay 4,400 oo tan,waxaana uu wadaa noocyada kala duwan ee ciidanka Badda Waqooyi Kuuriya sida kuwa quusa, kuwa biyaha ka dhex dagaallama, kabtannada iyo qeybaha kale ee Ciidanka Badda Dowladda Waqooyi Kuuriya.

Waxaa uu biyaha SOomaaliya joogayaa muddo lix bilood ah oo ka billaabaneysa Bisha September ee sanadkan.

Ciidamada Badda ee Waqoojiga Kuuriya ayaa ka mid ah isbaheysiga Caalamiga ah ee la dagaallanka Burcad badeedda Soomaalida waxaana ay ka mid tahay Waddamada ay Ciidamada ka joogaan Biyaha Soomaaliya.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More