Kulamadii ka dhacay magaalada Garowe & wufuudda maanta lafilayay

Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa maanta lagu qabtay munaasabad balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Xildhibaanno, Senatoro, Musharraxiin iyo shaqsiyaad kale ayaa shalay, xalay fiidkii kulammo gaar gaar ah la qaatay hogaamiyayaasha Puntland iyo kuwa kale.

Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada ay soo gaaraan wufuud kala duwan oo uu kamid yahay raiisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo ka socda dalka Qadar oo ka wakiil ah Hogaamiye Farmaajo iyo R / wasaare Rooble

Musharaxiinta ayaa waxaa safarkooda ku wehlinaya xubno kala duwan oo uu kamid yahay raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, hogaamiyayaasha dowlad goboleedyada iyo dowladaha, marka laga reebo Lafta Gareen oo isagu la sheegay inuu raaligalin bixiyay isla markaana wakiil u diray.

Goorma Ayuu Shirka Furmayaa?

Isu imaatinka ayaa furmay berri, Isniinta waxaana loo qorsheeyay 28 Diseembar 2020, xaaladda Soomaaliya looga hadlayo ayaa looga hadlayaa sida loo codeeyo iyo kala guurka.

Hogaamiyaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in maamulkiisu ku faraxsan yahay martigelinta shirkan oo muhiim u ah xaalada dalka iyo qalalaasaha siyaasadeed ee socda doorashada 20/21.

Deni wuxuu rajeeyay in natiijada kasoo baxda kulanka ka dhici doona magaalada Garowe ay noqon doonto mid wanaagsan, wuxuuna ugu yeeray ka soo qeyb galayaasha inay ka doodaan ajandayaasha shirka oo muhiim u ah dadka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More