Kheyre wuu ka gaabsaday inuu eedeeyo MW Farmaajo!

Raiisel wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna musharax madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa khudbad dheer oo buuq badan dhalisay ka jeediyay kulan ay isugu yimaadeen musharixiinta madaxweynaha 2021.

Haddaba  kheyre ayaa caawa iska isku dayey in uu ka fogaado inuu eedeymo uu soo jeediyo madaxweyne Farmaajo iyo hadaladiisa ku soo daro in uu wax ka sheego. Isaga oo ka hadlaya sida ay dowlada u maareyneyso doorashooyinka ayuu Khayre hadaladiisa si aad ah uga duwanayeen sida ay musharixiinta kale u sharaxeen eedeymaha loo jeedinayo Hogaamiyaha iyo guddiga doorashada ee lagu muransan yahay.

Musharaxiinta Mucaaradka ayaa si kulul u dhaleeceeyay Hogaamiye Farmaajo oo ay ku tilmaameen “qas-wade!” Bayaan ka soo baxay ururka musharixiinta ayaa lagu yiri:

Goluhu wuxuu ugu baaqayaa muwaadiniinta, Dowladaha xubinta ka ah, bulshada rayidka ah iyo bulshada caalamka inay u aqoonsadan qas-wade madaxweyne farmaajo oo  meel  looga soo wadajeesto, si wadajir ah looga hortago ficil-xumada khatarta ku ah nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.

Kheyre oo laga filayey inuu cadeeyo markii ugu horeysay mowqifkiisa ku aadan qaabkii Hogaamiye Farmaajo u maareeynaayo doorashada ayaa hadalkii u weeciyey in uu ka hadlo Oddoros iyo waxa uu filaayo inuu dhici doono haddii aysan doorasho ka dhicin Dalka.

Xasan Cali Khayre wuxuu xubin ka ahaa xukuumada Nabad & Nolol in kabadan sadex sano lagamana yaabo inuu ku dhiiran karo inuu dhaleeceeyo ama dhaleeceeyo nidaamkii uu qeybta ka ahaa eedeymaha iyo dhaqan xumada lagu eedeeyay mudadii uu xilka jagada raiisul wasaaraha hayey.

Axadle  waxay fahansan tahay inuu jiro xiriir adag oo ka dhexeeya Khayre iyo Nbad iyo Nolal kaasoo salka ku haya sida Kheyre iyo Farmaajo oo wada jira ay markale dalka u wada hogaamin lahayeen! Tani waxay laga dheehan karey diidmada Khayre ee ah inuu wax ka sheego dowladda haba yaraatee oo uu ka wecdey.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More