#Kheyre Waa Raysal Wasare laba Sano Shaqeynayey ee aan Baarlamaanka hor-imaan Mudada uu joogo

25,927

Qaar kamid ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay inay diyaarinayaan mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa sheegay in mooshinkaasi uu yahay mid loogu yeerayo ra’iisul wasaaraha dalka inuu ku hor yimaado baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana wax laga weydiin doono waxyaabaha u qabsoomay muddada uu xilka hayo.

Xildhibaan Cabdi Fitaax Ismaaciil Daahir oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa tilmaamay in qorshahaasi ay wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, waxaana uu sheegay inay doonayaan in ra’iisul wasaaraha Su’aalo badan ka weydiin doonaan xaaladda dalka.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in weli aysan dhicin in Ra’iisul Wasaare laba Sano Shaqeynayey ee aan Baarlamaanka hor-imaan,isla markaana Ra’iisul Wasaare kheyre uu horay u balan qaaday in uu hortagayo balse aysan dhicin taasina uu juhdi badan ku bixiyey.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay inaan la aqbali karin in ra’iisul wasaaraha uu kasoo bixi waayo balamihii uu horey kaga dhawaaqay xarunta golaha shacabka, kaasi oo ahaa in bil walbaa uu hor imaan doono baarlamaanka.

Xildhibaan Cabdi Fitaax Ismaaciil Daahir ayaa waxa uu ka mid yahay Xildhibaannada aad u dhaliilsan Siyaasada xukuumadda Soomaaliya,waxaan uu ka mid ahaa Xildhibaanadii iyo Siyaasiyiintii ku shiray Magalada Nairobi.

Xukuumada Khayre ayaa haysata aqlabiyada Golaha Shacabka, maadaama ay 72% ay ka yihiin wasiiro Laanta Fulinta kamida, taasi oo xeel-dheerayaashu aaminsan yihiin in ay tahay sababta Golaha Wasiirada u sii joogi karaan.

Dadka taageersan xukuumada haatan jirta ayaa aaminsan in xubnaha mucaaradka ah ee baarlamanka ku jira ay yihiin kuwa xil doon, balse aysan daacad ka hayn mucaaradnimadooda.

Hasayeeshee, Dr Cabdifitaax ayaa gaashaanka ku dhuftay sheegashadaasi, isaga oo yiri “Ma lihin inaga ha nagula bedello … waxaa la heli karaa shaqsiyaad ka wanaagsan kuwa haatan jirta.

Eryadda culus ee kasoo yeeray Cabdifitaax ayaa imaanaya iyada oo Isniintii magaalada Nairobi ay ku kulmeen Xildhibaano iyo siyaasiyiin kuwaasi oo kuu tartarsiiyay madaxwayne Farmaajo in uu oo dhiso Gole Fulin oo cusub.

Hoos ka dhageyso codka Xildhibaan C/Fataax

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More