Khayre Xildhibaanadda Kenya ma wuxuu kala hadlay ‘muranka

Senator ka tirsan aqalka sare ee Kenya, Falhada Dekow Iimaan oo ka mid aheed Mudanayaashii maanta Nairobi kula kulmay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in RW Xasan Cali Khayre uu balanqaaday inuu xal “waara” loo heli doono dacwada badda ee u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya hadii loo doorto madaxweynaha.

- Advertisement -

121446648_796949187773924_231053346460806263_n

Qoraalkaas oo aad looga falceliyay ayay Senataradu ka saartay barteeda Facebook waxa ayna soo dhigtay qoraal kale oo ay raalli galin kaga dalbanayso Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyada oo cambaaraysay sida loo buun buuniyay qoraalkeeda.

121407902_365522014636964_6394585685629994912_n