Khayre oo Nairobi kula kulmay Mudanayaasha Soomaalidda ah ee

Kulan Nairobi ku dhexmaray Xasan Cali Khayre iyo Xildhibaanadda Soomaalida ah ee ku jira baarlamaanka Kenya.

- Advertisement -

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna musharax madaxweyne ee Villa Somalia 2020/21  Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay Xildhibaanada Soomaalida ah ee ku jira Baarlamaanka dalka ee dalka Kenya.

Khayre ayaa ololihiisa doorashada ka bilaabay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya oo inta badan ay ku sugan yihiin dhammaan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee doonaya in ay u tartamaan kursiga ugu sareeya dalka.

“Waxaa sharaf ii ah inaan maanta kulan wadatashi ah la yeeshay xildhibaannada iyo sanatarada Soomaaliyeed ee dalka Kenya” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

 “Waxaan uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay dadka Soomaaliyeed had iyo jeer u garab taagan yihiin” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in uu Horay wadatashiyo dhaxal gal ah la yeeshay madaxwaynaha Dowladda Djibouti oo qeyb wayn ka qaatay welina u taagan dib-u-dhiska dowladnimadeenna Soomaaliya.

Nairobi caasimadda wadanka Kenya waxaa ku sugan siyaasiyiin badan oo Soomaaliyeed kuwaas halkaasi ka wada shirar looga hadlayo arimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo dhaqaale ay u helaan in ay u adeegsadaan cod-bixinta soo socota ee Soomaaliya.

Sidee Nairobi ku noqotay suuqa Siyaasadeed ee Soomaaliya?