#Khayre oo Muqdisho kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Qadar

62,553

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibadda dalka Qadar , Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Qatar ayaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku yeeshay kulan ay uga wada hadleen adkeynta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood iyo dardar gelinta mashaariicda ay Qatar ka fuliso Soomaaliya.

Dowladda Qadar ayaa waxaa ay amashaariic kala duwan ka waddaa Soomaaliya waxaana ka mid ah dhismaha Waddooyinka Muqdisho k xiran Jowhar iyo Afgooye sidoo kale waxaa ay la wareegtay dib u dhiskla Dekadda Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Sidoo kale Dowladda Qater ayaa dhawaan sheegtay in ay dib u dayactir ku samayn doonto xeradda 21 aad ee Ciidanka Xoogga dalka oo taala Dhuusamareeb, iyo taageeradda iyo qalabaynta Ciidanka Ahlusunna ee dhawaan la wareegtay Dowladda Soomaaliya.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More