Khasaaro ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan Milatariga

sawir hore

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in qarax miino oo dhulka lagu aasay ay la kacday gaari ay saarnayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga miinada la kacday ay saarnayeen ilaalada gaarka ah ee guddoomiyaha degmada Balcad waxaana qasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu soo gaaray ciidamadii saarna gaariga.

Wararka ayaa in ku daraya in dhamaan askartii saarneed gaariga miinada haleeshay ay noqdeen ku dhintay iyo kuwa dhaawacmay inkasto ilaa hadda aysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka degmada Balcad oo la xariira qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxa miino.

Majirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaan.

Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa inta badan weeraro toos ah iyo kuwa gaadma ah la beegsada ciidamada dowladda Soomaaliya xiliyada ay ku safrayaan waddooyinka xariirsha magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More