Khasaaraha ka dhashay dagaalladii dhecmarey Booliska iyo Maleeshiyaad

In ka badan shan qof ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacantay iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo maleeshiyo hubeysan oo ka dhacay deegaanka Jazeera ee duleedka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka dagaalka oo socday galabnimadii ilaa saqdii dhexe ayaa salka ku hayey qaad laga soo dajiyay deegaanka Jazeera isla markaana ay leeyihiin maleeshiyaadka dagaalamay.

Maleeshiyaad watay qaad iyo ciidamada Haramcadka ayaa isku dhacay dagaalkiina wuxuu socday ilaa xalay. ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo ka gaabsaday magaciisa.

Sida ay sheegayaan wararka cutub kale oo Haramcad ah ayaa xalay soo gaaray deegaanka Jazeera, waxaana u suurta gashay in ay kala kaxeeyaan maleeshiyooyinkii la dagaalamayay ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan wali ka hadlin dhacdadan. Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

“Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay dagaalka.”ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Axadle.

Maleeshiyada ayaa la sheegay inay qaadka ka keenayaan Kenya kadib markii dowlada ay mamnuucday qaadka laga keeno Kenya.

Jidka iyo aagga Jazeera waxaa inta badan la dhigtaa jidgooyooyin baad looga qaado dadka looga tago fasaxa ee aada xeebta Jazeera waxay mararka qaar isku daydaa inay boolis u dirto maleeshiyaadka Soomaalida ee isbaarooyinka dhigta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More