Kenya waxa ay raadineysaa 3-ruux oo Al-Shabaab Gaari kala

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in koox hubeysan oo ay u maleyneyso in ay katirsan Al-Shabaab ay afduubatay Saddex ruux oo aan Muslim ahayn oo kamid ah Rakaab saarnaa Gaari marayay Magaalada Mandheera.

Kooxdaan ayaa joojisay Gaarigaan oo qiyaastii u jiray Magaalada Lafey, rakaabka ayaa mid mid loo waji fiiriyay, waxaana baska saarnaa dad gaaraya 54-ruux, balse saddex kamid ah dadkii saarnaa ayay la degtay Kooxda loo maleynayo Al-Shabaab.

Taliyaha Booliiska Gobolka oo lagu magacaabo Rono Bunie ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka AP in laamaha ammaanka ay ku daba-joogaan kooxda afduubka geysatay sida uu hadalka u dhigay.

“Waan raadineynaa, dadaal ayaan wadnaa si aan usoo helno iyaga oo nool, wax lala yaabo ayay ahayd sida weerarka uu dhacay, waan ognahay saddexda qof ee baska lagala degay” ayuu yiri Taliye Rono Bunie.

Waxa uu ka hadlay sababta aan ilaalo loo saarin baska, maadaama Wadada Ismaamulka Mandheera cabsi laga muujinayo weerarada xubnaha gacansaarka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

“Ma cadda sababta keentay in ilaalo la’aan uu baxo baskaan, waa ku qasab in gaari waliba uu wato ilaalo dadka ka badbaadiya Al-Shabaab, waana muhiim xasiloonida Gaadiidka, Ganacsiga iyo dadka u safra Mandheera oo ay dhibaatooyin xooggan kala kulmaan Xagjiriinta Soomaaliya”  ayuu yiri Taliye Goboleedka Ismaamulka Mandheere.

Ciidamada Kenya ayaa Soomaaliya soo galay, kadib markii qiil ka dhigatay kahortagga weerarada & Afduubka Al-Shabaab, markii dambe waxaa lagu biiriyay howlgalka AMISOM, waxaana Askarteeda loo xiray Koofida Cagaaran ee Midowga Afrika, lana geliyay diiwaanka AU.

Dowladda Kenya waxa ay diiwaangelisay xogta shaqsiyaad marar kala duwan afduubatay, kadib markii Al-Shabaab Gaari kala degtay, waxaana kamid ahaa November 2014-kii oo La dilay 28-ruux oo aan Muslimiin ahayn sida Xukuumadda Nairobi xaqiijisay.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More