Kenya oo xanibaado kusoo rogtay qeybo ka mid ah Gedo – Caasi…

Beled-Xaawo (Axadle) – Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo, Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) ayaa sheegay in Ciidanka Kenya ay weli dhibaatooyin ka wadaan Gobolka Gedo, ayna sidoo kale xanibaado kusoo rogeen qeybo ka mid ah gobolka.

“Waxaan doonayaa ummadda Soomaaliyeed inaan la wadaagno dal iyo dibadba inaysan Kenya joojin dhibaatooyinkii ay ka waday Gobolka Gedo,” ayuu yiri Afhayeenka.

Inkastoo Kenya ay Khamiistii dib u fasaxday duulimaayadii labada dal oo bishii May ay xanibtay sababo aanay sheegin awgood ayuu Afhayeenku sheegaya inay sii waddo dhibaatooyinka ay ku hayso dadka reer Gedo.

“Xilli maalmo ka hor ay Kenya qaaday cunaqabateyntii ay ayada isa saartay ee duulimaadyadii labada dal ayay hadana dhibaatooyin kale ka waddaa Gobolka Gedo. Tusaale ahaan buundooyinka Baardheere, Buurdhuubo iyo Luuq baabuur ganacsi oo Caasimadda Soomaaliya laga raray intuu ka gudbay ma taggi karo Gobolka Gedo degmo ka mid ah. Garbahaarey ma taggi karo, Beled Xaawo ma taggi karo, Doolow iyo Luuq dhexdooda oo aad ammaan ah uun baa laga yaabaa inuu baabuur ka gudbo,” ayuu yiri Korneyl Aadan Rufle oo Warbaahinta ka soo muuqday.

Waxa kaloo uu yiri “Degmada Ceelwaaq, Kismaayana uma furno, Gedo inteeda kalena uma furmo. Deegaanada Faafaaxdhuun, Buusaar, Samaroole, Dhaso, Burcalaan, Ceelcadde, Wargaduudo iyo Ceelgaduud kiilada (1kg) sonkorta waxay ka joogtaa shan dollar ($5), wax ganacsi ahna aysan gelin. Gaadiidka ganacsiga waxay ka baqayaan in diyaaradaha Kenya ay duqeeyaan, sidii dhacdayba.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waxaa xusid mudan Degmooyinka Baardheere iyo Ceelwaaq, Ceelwaaq iyo Garbahaarey, Ceelwaaq iyo Beled Xaawo, Ceelwaaq illaa Diif inta ka dhaxeyso meel deegaan ah oo jiingad cad ay ka dhisan tahay oo lagu hoydaa ma jirto. 4-ta galabnimo ayaa meel kastaa oo la degan yahay laga caraabaa, hooyooyinka umulaya geedaha bay ku hoos umulaan oo dadkaasi habeenkii oo dhan duurkaas ayay yaallaan, oo kaneecada iyo dhibaatada ay hoos jooggaan. Deegaanadii la deganaa xilliyada habeenkii waxaa gaaf wareegaya diyaaradaha Kenya.”

Waxaa uu intaa ku daray “Shirkaddii Isgaarsiinta Hormuud oo dadkaa u ahayd manfac, shanta qaaradood qaraabadoodii jirtay ee lacagaha ugu soo diri jireen teleefanadooda gacanta waa laga burburiyay, sababtoo ah adeegga EVC Plus deegaanadaasi waa ka go’an yahay. Wax kale iska daayee naftoodii baa qof walba wuxuu leeyahay goormaa diyaaradi gantaal kugu dhufan doontaa.”

Hadalka Aadan Rufle ayaa ku soo aadaya, xilli Dowladda Soomaaliya ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey u gudbisay cadeymo muujinaya labaatan duqaymo oo dhanka cirka ah, oo diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka gaysteen Gobolada Koonfureed ee dalka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey, Danjire Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa Golaha Ammaanka hordhigay cadeymaha duqaymahaasi, isagoona sheegay in Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyada Dagaalka ay tahay in baaritaan ay ku sameyso duqaymahan.

“Nooca duqaymaha tirada badan ee joogtada noqday ee gaaraya illaa iyo labaatanka ee lala beegsaday dad shacab ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha, kuwaa oo ay gaysanayaan Ciidamada Kenya ayaa gaarsiisan heerka dembiyo dagaal, marka la eego sharciga caalamiga ah. Tacadiyadan ay gaysanayaan Ciidamada Kenya ayaa u baahan in baaritaan deg-deg ah ay ku sameyso Maxkamadda Caalamiga. Waa waajibaad saaran dhammaan Xubnaha Qaramada Midoobey inay difaacaan shuruucda caalamiga ahi. Tacadiyadani waxay u baahan yihiin in golahani uu mowqif adag ka qaato, si loo ilaaliyo nabadgelyada iyo xasilloonida adduunka, isla-markaana lagula xisaabtamo kuwii ka dambeeyay jebinta shuruucda caalamiga iyo kuwa bani’aadanimadaba,” ayuu yiri Abuukar Baalle.

Danjire Baalle ayaa markale yiri “Soomaaliya uma dulqaadan kareyso weeraro noocaani oo ka dhacaya xuduudahayaga, maadaama duqaymahani ay gaysayanaan ciidamo lagu aaminay inay suggaan ammaanka iyo xasilloonida Soomaaliya. Waxa ay su’aal gelinayaan doorka nabad ilaalineed ee Kenya, waxayna noqonayaan kuwa xagal-daacinaya doorka Ciidanka AMISOM, joogitaankooda Soomaaliya iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More