Kenya oo xal u raadineysa Korontada dileysa Duur-joogta! –

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay wax ka qabaneyso Tiirarka Shubka ah ee korontada dulmarto si loo badbaadiyo nolosha Duur-joogta, kadib markii saacadihii lasoo dhaafay labo Geri ay u dhinteen koronto ku dhegtay.

- Advertisement 1 -

Waaxda qaabilsan Duur-joogta Dalka Kenya ayaa ku howlan sidii ay u xakameyn lahayd korontada dulmarta dhulka Kaymaha oo ay ku nool yihiin Xayawaanno si gaar ah loo ilaaliyo, maadaama Dadka dalxiisayaasha dhaqaale badan looga qaato.

“Labo Geri oo aan kala fogeyn ayaa u dhimatay Baale dulmarta fiilooyinka Korontada, waa nasiib darro waxa dhacay oo waa in xal loo helaa sidii loo badbaadin lahaa duur-joogta waana waajib in howshaan mas’uuliyad la iska saaro” Sidaasi waxaa yiri Sarkaal katirsan Dowladda Kenya.

Kenya ayaa dhowr jeer sheegtay in Ciidamo gaar ah u sameysay ilaalinta Duur-Joogta, kadib markii ay bateen weerarada ka dhanka ah Maroodiga oo inta la dilo lagala baxayo faanta dheer oo lacag badan si suuq madow loo kala siisto.

Askartaas ayaa la socota dhaq-dhaqaaqa dhulka hawdka ah ee oo ay joogto Duur-joogta, waana ciidanka arkay Labada Geri ee u dhintay korontada ku dhegtay sida ka muuqato sawir laga soo qaaday iyaga oo ka hoos jiidaya Baalaha korontada ee fiilooyinka dulmarayeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More