#Kenya oo sheegtay in xubno ka mid ah AL-shabab ku dhinteen Lamu

78,507

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in saddex ka mid ah dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ay dhinteen markii ay ku qaraxday Miino ay dhigeen Lamu.

Sidoo kale labo ka mid ah Ciidamada Booliska Kenya ayaa ku dhaawacmay weerarkaas sida ay warisay uu wariyay Citizen TV.

Ciidamada ayaa la kulmay Al-shabaab xubno ka mid ah oo qarax ku aasayay degaanka Kiunga ee Gobolka Lamu.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ayaa waxaa ay sheegeen in goobahaas aysan ku badneyn Ciidamada maaddaama aysan heysan agab ku filan.

Al-shabaab ayey sheegeen in ay u fududdahay in ay halkaas qaraxyo geliyaan islamarkaana mararka qaar weerarro ka geystaan.

Kenya ayaa dhowr jeer sheegtay in ay ka hortagtay Xubno ka mid ah Al-shabaab oo qorsheynayay weerarro ay ka geystaan Gudaha Dalka Kenya.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More