Kenya oo qoratay qareeno cusub si ay ugu difaacaan bada

Dowladda Kenya ayaa qoratay qareeno heer caalami ah si ay u hogaamiyaan dacwada badda ee kala dhaxaysa Soomaaliya taas oo socotay in ka badan lixdii sano.

- Advertisement 1 -

Garyaqaannada ay qabsatay Kenya ayaa ku faanay in ay haystaan aqoonsiyo kala duwan ayaa sidoo kale sheegay in ay ku guulaysteen doodo ay horay uga qayb galeen oo la horgeeyay maxkamada Caalamiga ah ee ICJ.

Qareenadaan waxaa hoggaaminaya Sean Murphy oo ka tirsan George Washington School of Law waana  lataliye sharci kana soo shaqeeyay Safaaradda Mareykanka ee Hague 1990-yadii. Waxa uuna fadhiyada maxkamada caalamiga ah ee ICJ ku matalay wadamo ay kamid yihiin Ethiopia, Jordan, Kosovo, North Macedonia, Suriname, iyo Mareykanka.

Waxaa ku weheliya Justice Tullion Treves, oo hore garsoore uga ahaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Sharciga Badaha. Xaakimka Treves waxa uu khabiir ku yahay kiisaska la xariira muranada Caalamiga ah maadaama uu horay u qabtay murankii ka dhexeeyay Peru iyo Chile oo lagu kala xaliyay maxkamadda cadaaladda adduunka.

Kooxda qareenada ah sidoo kale waxaa ku jira Phoebe Okowa oo bare ka ah Sharciga Caalamiga ee Jaamacadda Queen Mary ee Boqortooyada Ingiriiska.

Quburadda dhanka sharciga baratay ee Kenya xulatay waxaa ka mid ah Prof Laurence Boisson De Chazournes oo khabiir ku ah sharciga caalamiga, Christian Tams oo bare ka ah jaamacadda Glasgow ee Jarmalka, Makane Mbengue, oo reer Senegal ah oo sharciga caalamiga ka dhiga Jaamacadda Geneva (waxaana laga dhigay Isuduwaha kooxda), Eran Sthoeger oo reer Israel ah.

Warkan ayaa imanaya kadib markii maxkamada cadaalada aduunka ay diiday dalabkii Kenya ee ahaa in kiiska dib loo dhigo markii afaraad.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Dubbe ayaa xaqiijiyay in Muqdisho ay u gudbisay maxkamadda ICJ codsi la xiriira kiiska. Wuxuu xusay in dacwada oo dib loo dhigaa ay tahay cadaalada oo la diiday. Wuxuu intaas ku daray in labada dalba ay u jiheystaan Hague si ay u kala saaraan muranka soohdinta ee ka dhaxeeya labada wadan. Dacwadda ayaa loo muddeeyay inay bilaabato 15-ka Maarso 2021.

Bishii Ogosto 2014, Soomaaliya waxa ay Kenya ka dacweysay maxkamadda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More