Kenya oo qaaday tallaabo cusub oo SOOMAALIYA ku wajahan kadi…

Nairobi (Axadle) – Kenya iyo Soomaaliya ayaa billaabay safar cuusb oo ay dib ugu dhisayaan xiriirkooda kadib bilo ay u dhaxeysay xiisad diblomaasiyadeed oo xooggan. 

Soomaaliya ayaa dhammaadkii 2020 xiriirka diblomaasi u jartay Kenya, ayada oo ku eedeysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha, islamarkaana ay dhaawaceyso madax-banaanida dalka.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya Ambassador Macharia Kamau ayaa shalay la kulmay safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal.

Kulankan oo ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin, ayaa labada dhinac waxay ku sahmiyeen dhinacyo cusub oo ay ka wada-shaqeyn karaan labada dal, si loo xoojiyo xiriirka burburay.

“Ambassador Macharia Kamau wuxuu wada-hadallo la yeeshay safiirka Soomaaliya ee Kenya Mohamud Ahmed Nur, waxayna sahmiyeen dhinacyo cusub oo ay labada dal iska kaashaan karaan, sida dhaqanka, ganacsiga, nabadda iyo amnga. Labada dhinac waxaa ka go’an xoojinta xiriirka,” waxaa sidaas barta twitter-ka ku qortay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya.

Sidoo kale afhayeen u hadlay dowladda Kenya Cyrus Oguna ayaa sheegay in Nairobi ay dhistay guddi baara arrimaha sababaya khilaafka labada dal. 

Oguna ayaa sheegay in guddigan uu sahmin doono hanaan diblomaasiyadeed oo lagu xalin karo arrimahan, islamarkaana uu goor horeba sameeyey horumar. 

Bishii June 2021, wasiirada arrimaha dibedda Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku raacay inay dedejiyaan dib u furista safaaradaha labada dal, taasi oo ay ku guuleysteen. 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More