#Kanada oo ‘ka niyad jabsan’ tuhmanaha argagixisada ah ee dhalashada Ingiriiska laga noqday

1,785

Dowlada Canada ayaa canbaareysay go,aanka xukuumada UK ay sharciga kagala noqotay muwaadin asal ahaan u dhashay Canada, oo lagu eedeeyay in uu ka tirsanaa dagaalyahanada daacish ee wadanka Suuriya.

Canada ayaa sheegtay in shakiga ninkaan loogala noqday aqoonsiga labaad ay tahay tuhun mas,uuliyad darro Muujinaya.

Wasiirka badbaadada dadweynaha Ralph Goodale ayaa saxaafada u xaqiijiyay axadii shalay in Jack Letts oo 23 jir ah lagala noqday dhalashada muwaadinimo ee UK.

Mr Goodale ayaa intaa ku daray in Canada ay ka xuntahay waxa ay ugu yeertay ficilkan lagu sheegay in uu yahay mid Fuleynimo Ah.

Wasiirka badbaadada dadweynaha Canada Ralph Goodale ayaa ugu danbeyn sheegay in argagixisada aysan laheyn xad balse looga guuleysan karo in si wadajir ah loo shaqeeyo si caalamka dhan uu ugu Badbaado.

Wasaarada amniga UK ayaa dhanka kale ka hadlin hadalka ka soo baxay Canada balse waxay sheegtay in cid waliba oo lagu arko fal argagixiso lagala noqonayo Sharciga.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More