#Jubbaland oo Odayaasha Dhaqanka ka dalbatay ka qeyb galka Dagaalka ka dhanka ah Al shabaab

3

Mas’uuliyiinta Jubbaland ayaa wado abaabulkii ugu xooganaa ee uu ku doono in maamulka ay gacanta ku dhigaan Gobolka Jubbada dhaxe.

Qaar ka mid ah Wasiirada socdaalka ku wehliyay Axmed Madoobe ee ku sugan Afmadoow ayaa waxa ay kulamo la qaaten Odayaasha Dhaqanka Degmadaas.

Kulanka waxaa looga hadlay sidii Odeyaasha dhaqanka ay ugu qayb qaadan lahaayeen horumarka degmada afmadow iyo ka shaqaynta is-dhaxgalka bulshada.

Sidii loo taageeri lahaa howlgalada xoreynta Gobolka Jubbada Dhexe ayaa sidoo kale qayb ka ahaa kulanka dhexmaray madax dhaqameedka degmada Afmadow iyo wafdiga wasiirada ah ee katirsan Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Odeyaasha dhaqanka degmada Afmadow ayaa Dowlad-goboleedka Jubbaland ku ammaanay dedaalada lagu xoreynaayo deegaanada ay weli Al shabaab Gacanta ku hayaan.

Wasiirka wasaaradda Maaliyada Jubbaland Cabdirshiid Jire Qalinle ayaa madasha ka ballan qaaday in wasaarada maaliyadda Jubbaland ay dhowaan degmada Afmadow ka hirgelin doonto xafiis loogu talagalay qaadista canshuuraadka degmada kaasi oo dhowaan wasaaradda Maaliyada qorsheynayso in ay shaqaale cusub u diiwaan geliso.

Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Jubaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa Odeyaasha dhaqanka kula dardaarmay in ay marwalba dadka ku baraarujiyaan ka qayb qaadashada horumarka islamarkaana ay ka qayb qaataan howlgalada lagu xoraynaayo deegaanada ka maqan gacanta Jubbaland.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More