Jubbaland: DFS waxa ay hub, Gaadiid & Ciidan cusub geystay Gedo

Warsaxaafadeed kasoo baxay DG Jubbaland ayaa looga hadlay Ciidanka Dowladda Federaalka, Gaadiidka & Hubka cusub ee Jimcihii 19-ka Maarso 2021 la geeyay Gobolka Gedo gaar ahaan Degmada Doolow.

Qoraalka DG Jubbaland ayaa nasiib darro lagu tilmaamay in Gobolka Gedo oo dadka degen la dhibaateysan Abaarta heysata Dowladda Federaalka ku kordhiso ciidankeeda halkii gurmad la siin lahaa shacabka.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay DG Jubbaland ayaa lagu daray in gulufka colaadeed wixii ka dhasha uu dusha saaranayo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo bixiyay amarka ciidan qaadista sida hadalka loo dhigay.

Khilaafka ka dhex jira Dowladda Federaalka gaar ahaan Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday & Axmed Maxamed Islaam Madoobe Madaxweynaha DG Jubbaland ayaa salka ku haya maamulka Gobolka Gedo, waxaana Gobolkaas ku sugan ciidamo laga qaaday Muqdisho, halka mas’uuliyiinta & askarta Jubbaland laga gacan-maroojiyay.

Xildhibaanno, Senataro & siyaasiyiin ayaa baharooda gaarka ah ee Bulshada kusoo bandhigay Sawirro laga soo qaaday Ciidan wata Gaadiidka Dagaalka & Hub laga dejinayo Diyaarad nuuca xamuulka qaada ah.

Mustaqbal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More