Dowlad-goboleedka Jubaland oo soo saaray war-saxaafadeed luuqad adag ku qoran ayaa ku baaqdey shan qodob oo ku saabsan mar-xaladda kala guurka ah ee waddanka ku sugan yahay haatan.
- Advertisement 1 -
Qodobada Jubaland ay ku talisay ayaa kala ah;
– In dowladda federaalka garawshiyo iyo raaligelin ka bixiso weerarkii Hotel Maa’ida iyo Banaanbaxayaasha
– In la isugu yimaado dhamaan saamileyda siyaasadeed ee dalka
– In goobta uu ku qabsoomayo shirka ay ammaankeeda noqoto mid la isku haleyn karo mas’uuliyadeeduna ay qaado Beesha Caalamka.
– In la helo damaanad-qaad ku saabsan fulinta natiijada shirkaas
– In madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan door ku yeelan hanaanka doorahsooyinka si loo helo kalsoonida saamileyda siyaasadda
Baaqa Jubaland ayaa imaanaya saacado kadib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay Jubaland iyo Puntland ku eedeysay in ay caqabad ku yihiin fulinta heshiiskii 17-kii September, 2020-kii.