#Jeedinta khudbadaha musharixiinta madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland oo soo gaba-gabowday

1

- Advertisement -

Waxaa soo gaba gabowday hadaljeedinta musharixiinta xilka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland taas oo bilaabatay subaxnimadii hore ee saaka.

- Advertisement -

21 musharax oo u taagan kursiga madaxweynaha Puntland ayaa baarlamaanka ka horjeediyay khudbad ay uga hadlayeen barnaamijkooda siyaasasadeed ee ay doonayaan in ay ku hogaamiyaan Puntland.

Musharaxiinta Puntland ee khudbadaha jeediyay ayaa inta badan ka sheekeeyay sooyaalkooda siyaasadeed iyo higsigooda musharaxnimo iyagoona xildhibaanada Baarlamaanka ka dalbaday in ay codkooda siiyaan.

Sidoo kale 11 musharax oo u taagan kursiga madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa iyaguna jeediyay khudbadohooda musharaxnimo waxaana mid waliba uu ku dheeraaday barnaamijkiisa siyaaaadeed iyo waxqabad si lamid ah sida ay ugu dheeraadeen musharixiinta xilka madaxweynenimo ee Puntland ee jeediyay khudbadaha.

Beri oo ay taariikhdu ku beegan tahay 8 bisha January ayaa la filayaa in ay si habsami leh u dhacdo doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More