Jahawareerka Kheyre kaqaybsaday kubiiridda Mucaaradka! –

3

Hoggaamiyeyaasha xisbiyada Mucaaradka oo ay kujiraan madaxweyneyaal hore, Wasiiro, iyo Diblomaasiyiin  ayaa si wadajir ah u diiday in Xasan Cali Kheyre kaqaybgalo kulanka musharixiinta madaxtinimo oo maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, ujeeddada diidmada kulankaas waxa lagu sheegay eedo ay hoggaamiye mucaaradka qaarkood katirsanayaan Kheyre, eedahaas ayaa dhacay intii Xasan Kheyre hayey xilka Wasiirka Koowaad.

Eedaha ay hoggaamiyeyaasha mucaaradku u haystaan Ra’isalwasaarihii hore ee Soomaaliya waxa ay xiriir la leeyihiin dembiyo waaweyn oo ay ay gashay xukuumaddii uu hogaamiyayaasha ka ahaa ee Baarlamaanka kala noqday Kalsoonida, eedahaas waxaa kamid ah

kutagrifalka awoodda dowladda oo ah eed guud
Weerarkii lagu qaaday guriga hoggaamiyaha xisbiga Wadajir
Xayiraaddii xukuumaddiisu saartay  diyaarado ay la socdeen madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya sida Hasan Sheekh Maxamuud & Sheekh Shariif Sheex Axmed
Dhiibiddi Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbidhagax)
Bayaankii ay xukuumaddii Kheyre ee ONLF u aqoonsaday in ay tahayyül urur argagixiso
Cunaqabateyntii xukuumaddu saartay Jubbaland
Cunaqabateyntii ganacsiga iyo siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood

 

Siyaasiyiin ay isku-hayb yihiin Ra’isalwasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la yeeshay Xasan Sheikh Maxamuud madaxweynihii hore ee Soomaaliya, waxa ay ka codsadeen in aan hoggaamiyeyaasha mucaaradku si gaar ah u collaadin Kheyre hayeeshee Xasan Sheekh waa diiday codsiga ku aaddan in mucaaradku aqbalo xubinimada Kheyre.

Kaddibna waxy ay la kulmeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed guddoomiyaha madashada xisbiyada Qaran iyaga oo kadalbaday in uu ka ergeeyo culayska siyaasadeed ee hayata Kheyre!

 

Sheekh Shariif ayaa dood heer kaddib waxa uu ka aqbalay siyaasiyiinta ka nabad-dooniyey Kheyre in uu intii karaankiisa ah ka ergeeyo sidii Kheyre ugu biiri lahaa mucaaradka, waxa uu ka codsaday madaxweynihii hore ee Dalka Xasan Sheekh iyo hoggaamiyaha xisbiga Wadajir in ay la qaataan soo hoyashada iyo ka garaabidda Xasan Cali Kheyre ka sameeyey wixii eedo ah ee dhacay intii uu xilka hayey.

Sida ay Axadle u xaqiijiyeen xubno kaqaybgalay kulanku Xasan Sheekh oo horay u diiday in mucaaradku wax kudarsado Kheyre ayaa qayb ahaan aqbalay soo jeedinta Sheekh Shariif ee ah in hogaamiyeyaasha mucaaradku aqbalaan xubinimada Xasan Cali Kheyre

hayeeshee Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dalbaday in Kheyre si rasmi ah uga bixiyo raalligelin kana garaabo dhibkii kadhashay weerarkii lagu qaaday guriga hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Decembeer-2017!

Xasan Cali Khayre oo jahawareer siyaasadeed kala kumlar kamid noqoshada mucaaradka ayaa aqbalay in uu bixiyo raalligelin qoraal ah isaga oo ku qoray bartiisa Facebook

 

“Waxaan caawa hoygiisa ku soo booqday hogaamiyaha xisbiga wadajir, ahna musharrax madaxwayne ee jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxman cabdishakuur Warsame, halkaas oo aan si walaaltinnimo ku dheehantahay isugu soo qalbi xaarannay, Waxaana ka raalli galiyay dhibkii 17kii December 2017 isaga iyo ilaaladiisa kasoo gaaray dhacdadii ka dhacday hoygiisa”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isna bartiisa Facebook uga halay raallingelinta uu bixiyey Kheyre ayaa yiri:

“Waxaa caawa xarunta Xisbiga Wadajir nagu soo booqday Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna musharrax madaxweyne Md Xasan Cali Kheyre. Kheyre wuxuu cudurdaar iyo raalli gelin ka bixiyey weerarkii 17-kii Dec 2017. Waxaan ugu baaqaynaa masuuliyiinta kale ee dowladda ee weerarka ku lug lahaa in ay fursaddan oo kale weli u furan tahay”

Haddaba haddii Xasan Kheyre 4 sano kaddib la kufaakacayo dhibaatadii ay geysatay xukuumaddiisii ma tahay in siyaasiyiintu ka tusaale qaataan si aysan awoodda dowladda ucu tagri-falin?

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More