#Jabuuti oo sheegtay in ay u tartameyso Kursiga Midowga Afrika uu siiyay Kenya Ee QM

23,443

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in aysan wali isdhiibin inkasta oo natiijo shalay ay shacaiyeen Midowga Afrika kursigaasi ku siiyeen dowladda Kenya.

Jabuuti waxaa ay sheegtay in kursigaas uu si sax ah ugu guuleysan karo ciddii 3 meelood laba meel ka hesha Xubnaha Golaha guud ee Qaramada Midoobey oo tiradoodu dhantahay 193 dal.

Wakiilka joogtada ah ee dowladda Jabuuti u fadhiya Qaramada Midoobey Maxamed Siyaad Ducaale ayaa sheegay in dowladdiisa aysan ku hareyn codeynta ay sameeyeen Midowga Afrika islamarkaana kursiga uu yahay mid Golaha amaanka laga doonayo.

Danjire Ducaale ayaa waxaa uu sheegay in dowladdiisu aanay waxba ka beddelin go’aankeeda ah ku guuleysiga kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey.

Bisha soo socota ee September ayey doorashadaasi dhaceysaa waxaana 10ka kursi ee korjoogtada ah ku tartamaya dalal kala duwan.

Dowladda Kenya ayaa shalay aad u buun buunisay markii Kursigaasi Midowga Afrika sheegay in Kenya loo oggolaaday laakiin dowladda Jabuuti ayaan halkaas uga harin oo sheegtay in ay u tartameyso.

Dowladaha Jabuuti iyo Kenya kii ku guuleysta ayaa waxaa uu ku fariisan doonaa Bisha June sanadka 2020ka,waxaana codeyntiisu dhaceysaa Bisha soo socota.

Dowladda Kenya ayaa dooneysa in dano badan oo ay ka leedahay geeska Afrika sida Biyaha Soomaaliya ee ay sharci darrada ku dooneyso ku xalaaleysato kursiga qaramada Midoobey.

Maxkamadda ICJ ayaa waxaa ay Bisha soo socota ka fariisaneysaa kiiskaas iyada oo dhegeysiga ugu dambeeya kaddib Maxkamadda ay shaacin doonto natiijada Dacwadda Badda ee ay 2014kii Soomaaliya u gudbisay ICJ.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More