Jabuuti oo dalkeeda ka masaafurineysa 16 Askari oo Itoobiyaan ah

Jimco – Dowladda Jabuuti ayaa dalkeeda ka musaafurineysa ilaa 16 Askari oo Itoobiyaan ah, kuwaa oo sida la sheegay gacan saar dhaw la leh Jabhada difaaca Tigray-ga.

Sida ay sheegtay Warbaahinta gudaha Jabuuti 16 kan Askari oo ay ka mid yihiin Korneelo iyo Taliyayaal ayaa waxaa qabtay ciidanka ilaalada madaxtooyada kuwaa oo ku u gudbiyay xarunta hay’adda sirdoonka si baaritaan loogu sameeyo.

Sida qorshuhu ahaa Askartan ayeey aheyd in laga masaafuriyo dalka Jabuuti Arbacadii toddobaadkan, si rasmi ahna looma oga in qorshahan uu dhaqan galay iyo in kale.

Tallaabadan ayaa timid iyada oo xaalad kacsanaan ah  ay ka jirto gobolka Ismaamulka Tigray-ga kaddib markii Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya uu ku dhawaaqay howlgal militari.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More