#Jabuuti oo codsatay in goob joogayaal loo diro xuduuda Eritrea ay wadaagaan

2

Djibouti(AxadleTM)— Dowladda Jabuuti ayaa ka codsatay Midowga Afrika in goob joogayaal caalami u diraan xuduuda ay wadaagaan iyaga iyo Eritrea, halkaasoo uu ka jiro muran u dhaxeeya labada dal.

Jabuuti ayaa dhowaan ku eedeysay Eritrea inay qabsatay dhulka buuraleyda dumeria ee ku yaala xuduuda labada dal ay wadaagaan, kaddib markii ay isaga baxeen Ciidamadii nabad ilaalinta ee ka socday Qatar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa u sheegay Wakaalada wararka ee Reuters in Midowga Afrika ka dalbadeen in guddi xaqiiq raadin loo diro, isla markaana la buuxiyo kaalintii Qatar baneysay.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika oo shalay ka furmay Addis Ababa, waxaana uu hordhigi doonaa sidii guddi kormeera xuduuda loogu diri lahaa.

Qatar ayaa ciidamadeeda kala baxday xuduuda labada dal u dhaxeya, kaddib markii Jabuuti iyo Eritrea ay taageereen xulafada uu hoggaamiyo Sacuudiga.

Arrintan ayaa keentay inuu dib u soo cuboonaado xiisada u dhaxeysa dalalka Jabuuti iyo Eritrea oo sanadkii 2008-dii ku dagaalamay xuduuda labada dal ay wadaagaan.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa labada dal ugu baaqay inay xaalada dejiyaan, isla markaana wax walba lagu dhameeyo wada xaajood iyo is faham.

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More