#Ismaaciil Maxamed oo loo doortay Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiilada Puntland

6

- Advertisement -

Waxaa soo idlaatay doorashadii gudoonka golaha wakiilada Puntland iyadoona xildhibaanada ay doorteen gudooomiye iyo labadiisa ku xigeen.

- Advertisement -

xildhibaanada golaha wakiilada Puntland ayaa gudoomiye ku xigeenka labaad u doortay in uu noqdo Ismaciil maxamed Warsame

Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa helay Codad gaaraya 45cod halka Musharaxa kusoo xigay ee Saciid Macalin Daahir uu helay 14cod sidoo kale Musharax Cabdiraxmaan Diiriye Carab ayaa aruursaday 7Cod .

Xildhibaanada golaha wakiilada Puntland ayaa gudoonka golaha u doortay Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo halka ay gudoomiye ku xigeen koowaad u doorteen Abuukaate Cabdicasiis Cabdulaahi Cismaan.

Marka la eego doorashadii maanta ee golah wakiilada ayaa ka duwanayd doorashooyinkii horey uga dhacay Puntland waxaana gudoonka la doortay ay noqdeen badi kuwo sharci dajiyaal kuna cusub saaxada siyaasadda marka laga reebo gudoomiyaha golaha wakiilada oo muddo ka mid ahaa xildhibaanada golaha wakiilada Baarlamaanka Puntland.

Si kastaba doorashadan maanta dhacday ayaa isbedel weyn ku keeni karta saadaashada doorashada madaxweynaha oo la filayo in iyana ay dhacdo 4 maalmood kadib oo ku beegan 8-bisha January 2019.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More