#Isfahan Waa ka taagan ansixinta Miisaaniyadda Soomaali-land ee 2019

2

- Advertisement -

Gollaha Wakiilada Somaliland ayaa dib ugu celiyay miisaaniyadda sanadeedka 2019, taasoo Xukuumadda usoo gudbisay kadib markii lagu ansixiyay kulan Gollaha Wasiiradda horaantii bishaan.

- Advertisement -

Gudoomiyaha Guddi Maaliyadda iyo Miisaaniyadda ee Baarlamaanka Somaliland, Cumar San-wayne ayaa daboolka ka qaaday in Miisaaniyada ay ku jiraan “qaladaad fara badan oo loo baahan yahay in la saxo”.

Qaladaadka uu farta ku fiiqay Xildhibaanka, waxaa kamid ah in Agaasimayaasha Wasaaradaha loo kordhiyo Mushahaarka, balse, aan la kordhin gunnada Xildhibaanada, taasoo uu xusay inay tahay mid aan la aqbali karin.

“Waxaan u baahan nahay in Xildhibaanada lala simo mushahaarka loo qoray Agaasimayaasha Wasaaradaha,” ayuu mudanaha ka sheegay Fadhigii ugu dambeeyay ee Gollaha uu yeeshay, kaasoo qabsoomay Talaadii.

Xildhibaano kale oo hadal-jeedin sameeyay ayaa aad wal-wal uga muujiyeen canshuur dheeraad ah oo ay xukuumaddu kusoo dartay Miisaaniyadda, iyagoo ku baaqay in ugu yaraan wax laga dhimayo.

Intaasi kadib, Golloha waxay cod wada-ogol ah ugu yeereen Wasiirka Maaliyadda Sacad Cali Shire, inuu ku hor-yimaado Gollaha sida ugu dhow uguna macquulsan, si su’aallo looga waydiiyo.

Horaantii Todobaadkan ayay ahayd markii Wasiir Sacad uu hor-tegay Gollaha, isagoo fahfaahin ka siiyay Miisaaniyada xukuumadda ee sanadka 2019, taasi oo cadadeedka wali aan lasoo bandhigin.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. AcceptRead More