In ka badan 20 milyan oo ruux oo Cunno la’aan ku heysata Yemen!

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Xaaladda wadanka Yemen ee Xiligaan ay tahay mid halis ah oo u baahan gurmad degdeg ah iyo in la daba-qabto qoysaska isu biirsaday Colaadda, Covid-19 & Gaajada.

In ka badan 20 Milyan oo ruux oo u badan Yemeniyiin iyo Soomaali la nool ayaa haatan qarka u saaran in ay u dhintaan xaaladaas isbiirsaday haddii aysan daba-qabad helin, sida uu sheegay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

Waxa uu soo jeediyay in gurmad degdeg ah loo abaabulo qoysaskaan, balse marka hore la qaado tallaabo dhinacyada dagaalamaya looga dhaadhicinayo joojinta dagaalka muddada gurmadka la dhiibayo.

Shabakadda Sky News ayaa maanta oo Sabti ah daabacday in xoghaye Guterres uu baaq degdeg ah u diray dhinacyada isku haya Yemen oo ay kamid yihiin Dowladaha Carabta oo kala taageeraya garabyada ka jira wadankaas.

“Waxa aan u baahanay in la caawiyo dadka heerkoodu hooseeyo ee Yemen, xayiraadda Covid-19, dagaalka daba-dheeraaday iyo Cunno la’aanta ayaa sababi karta dhibaatooyin bani aadamnimo haddii aan xal maanta loo helin” ayuu yiri Antonio Guterres.

Waa uu sii hadlay waxa uu yiri “Waxa aan u baahanahay dagaalka Yemen oo dhamaado, dhinacyada siyaasadda waa in ay u dhaqaaqaan dhinaca horumarka ee wadahadalka, waxa aan dooneynaa in la abuuro xaalad cusub oo kaalmo u ah Dadka, si looga gudbo Xaaladda kala qaybisay”.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterrres ayaa sheegay in Yemen muddo dagaalka kahor ay martigelineysay Qaxooti kasoo tallaabay Biyaha Soomaaliya ay la wadaagto, sababtu waa ay ka gacan roonaayeen, balse waqtigu xiligaas ma ahan, xaalkuna waa taa badalkeed.

“Haddii aan wax is dhahno Sarkaalka Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee Yemen, waxa uu I leeyahay maala caawiyo dadkaan ku dhibaateysan Yemen, qaarkood ayaa kasoo tagay Soomaaliya, Dadkaan Deeqsinimada leh waxa ay hadda u baahan yihiin Midnimo” ayuu yiri Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Nidaamka Dowladnimada Yemen waxaa uu meesha ka baxay kadib markii kacdoonkii carabta lagu riday Madaxweynihii ugu horeeyay ee Jamhuuriyadda Yemen Cali Cabdalla Saalax oo isaga qudhiisa ku baxay Gacanta Kooxda Xuutiyiinta 4-tii December 2017.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More